Eedeymo musuq oo ku soo baxay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada arrimaha dibeda DF

Waxaa isa soo taraya fadeexado musuqmaasuq iyo wax is dabamarin baahsan ee uu ku kacayo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia Maxamed Cali Nuur Xaaji oo xilkaas ay u magacowday dowladii Madaxweyne Farmaajo sanadkii 2020.

Sida laga soo xogtay howlwadeeno ka tirsan Wasaarada Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa noqday, xoghayihii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Wasaaradda si dhameysyirana u baabi’iyay tayadii, haykalkii iyo qaab ‘dhismeedkii shaqo ee Wasaaradda.

“Maxamed Cali Nuur Xaaji waa nin ku caan baxay musuqmaasuq, qabyaalad iyo eex aan geed loogu gaban, sidoo kale wuxuu ka caada dhigtay laaluushka si uu u sameeyo lacag badan” ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda oo magaciisa ka gaabsaday.

Ilo ku dhow Wasaaradda arrimaha dibeda ayaa sheegaya in xoghayaha joogtada uu laaluush ka qaato diblomaasiyiinta loo magacaabo Safaaradaha dibadda qaarkood.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa la taliyaha koowaad ee safaarada Somalia ku leedahay dalka Jabuuti u magacaabay Jibriil Saciid Afyare Bishii July ee sanadkii 2021 sida ku xusan lifaaqa qoraalka hoose.

Hase ahaatee Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa bishii Febraayo ee sanadkan waxaa uu u dalacsiiyey Jibriil Saciid Afyare la taliyaha arrimaha siyaasada ee safaarada Somalia ee Jabuuti Bishii Febraayo ee sanadkan ka dib markii uu ka duubtay lacag laaluush ah oo gaareysa $25,000 kun sida ay xaqiijiyeen xogo la helay.

(EEG lIFAAQA QORAALKA HOOSE)

Xoghayaha joogtada ah oo fulinaya heshiiska uu la galay Wasiirkii xiligaas joogay wasaarada waxaa uu gacan ka geystay talaabo sharci daro ah oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uu Agaasimayaal ugu magacaabay xubno aan waligood xafiis dowlo ka ka soo shaqeyn, isagoo meesha ka saaray dadkii khibradda iyo aqoonta diblomasiyadeed lahaa ee horay u joogay Wasaaradda taasoo keentay in RW xiligaas Maxamed Xuseen Rooble uu shaqada ka joojiyo Wasiirka amarna ku bixiyo in la soo celiyo shaqaalihii la ceyriyey ,wixii lamagaacabayne la joojiyo .

Sidoo kale Xoghayaha joogtada ah ayaa isku dayey inuu qariyo eedeymo ay Wasiir Cabdi Saciid Muuse Cali u jeedisay gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Kholoud Yusuf oo ku dhalatay Sucuudiga, kuna soo barbaartay Ingiriiska, eedeyntaasoo aheyd in Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali isku dayay inuu kufsado ama gogol-dhaaf la sameyso, si uu u siiyo shaqo diblomaasi sare.

Kholoud Yusuf, oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka u taageersanaa Madaxweynihii hore Farmaajo, ayaa qoraallo badan oo arrinkaan la xariira ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka, waxayna Cabdisaciid, ku tilmaantay, nin gabdhaha yaryar fara-xumeeya isagoo u ballan qaadaya shaqooyin aysan heli doonin, marka lagu ciyaaro sumcaddooda kadib hase ahaatee cabashada gabadhaas ma jirto cid wax ka qabatay.

Sida ay xaqiijiayaan ilo wareedyo kala duwan Wasiirka xilka haya ee Wasaarada arrimaha dibeda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa qadiyaan ka taagan xoghayaha joogtada isagoo marar badana u gudbiyey madaxda sare ee dowladda cabashooyin la xiriira hab dhaqanka Maxamed Cali Nuur Xaaji.

- Advertisement -