Allbanaadir.com
NEWS

Shirkii Golaha amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Muqdisho & Qodobada looga hadlayo

Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa maanta inuu si rasmi ah uga furmo shir looga hadlayo amniga Qaranka kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la iskugu yimaado ayaa waxaa Shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa diirada lagu saari doonaa shirkan waxyaabihii ka qabsoomay go’aanadii ka soo baxay shirarkii hore iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee amaanka dalka.

Madaxda maamul goboleedyadda qaarkood oo shalay yimid ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo ku maqana la filayo iney saaka soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo mar kale dib u dhacday iyo Sababaha keenay

Cabdi Cade

(Sawirro) Shacab careysan oo qarka u saaran iney galaan qasriga Madaxweyne Fernandez

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in DF hakisay Duulimaadyadii tegi lahaa Boosaaso?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---