Allbanaadir.com
NEWS

Caa’isha Maxamed oo mar kale loo magacaabay in ay noqoto Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay xukuumadiisa, waxa uuna xilka wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay in ay noqoto gabar Muslim ah.

Wasiirkii Gaashaandhigga dalka Itoobiya, Abraham Belay ayaa laga wareejiyay wasaaradaasi, waxaana loo magacaabay in uu noqdo wasiirka cusub ee Wasaaradda Waraabka iyo Horumarinta Deegaannada Qalalan.

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaana mar kale u magacaabay Caa’isha Maxamed Muuse oo 54 jir in ay noqoto wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Itoobiya, waxaana laga soo wareejiyay wasaaradii Waraabka ay heysay.

Gabadhan loo magacaabay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga dalka Itoobiya ayaa ah gabar Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Canfarta ee degta dalka Itoobiya, asal ahaana waxa ay kasoo jeedaa dalka Jabuuti .

Caa’isha Maxamed ayaa wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya horey usoo noqotay muddadii u dhexeysay bishii October ee sanadihii 2018 ilaa April 2019, waxa ay sidoo kale  soo noqotay wasiirka Dhismaha iyo horumarinta iyo wasaaraddii hadda laga bedelay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiirka Guud ee Al Shabaab oo Sagootiyay ragii weeraray xerada Manda Bay (Sawirro)

Cabdi Cade

Galmudug oo raali gelin ka dalbatay hadalo ka soo yeeray Gudoomiye Basmo Caamir

Caydiid Ali

Akhriso: Shan arrimood oo sabab u ah Khilaafka dhex mara dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---