Wararkii Ugu Dambeeyay Kulan Xasaasi ah oo Jigjiga ku dhax maray Odayaal iyo Saraakiil Milatari

Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kulan xasaasi ah ku yeeshay Saraakiil katirsan Milatariga Itoobiya iyo waxgaradka magaalada Jigjiga .

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay rabshadihii khasaaraha kala duwan dhaliyay ee dhawaan ka dhacay magaalada Jigjiga iyo sidii looga shaqeyn lahaa in xaalada hada la dejiyo laguna soo celiyo sidii hore.

Saraakiisha kulanka la qaatay Waxgaradka Jigjiga oo ka yimid magaalada Adis Ababa waxaa kamid ahaa  Jeneraal Xasan Ibraahim oo wasaaradda difaaca ee Itoobiya u qaabilsan sirdoonka, iyo taliyaha milateriga ee bariga Itoobiya Jeneraal Balaay Sayuu .

Waxa ay saraakiisha u sheegeen Odayaasha magaalada Jigjiga  in ujeedada ciidanka Milatariga Federaalka ay u soo farageliyeen arrimaha kililka shanaad ay tahay sidii xaaladda loo dejin lahaa.

Saraakiishan ayaa sidoo kale Odayaasha ay la kulmeen waxa ay u sheegeen in aan loo dulqaadan karin cid kasto oo amaanka qal qal galin karta, waxa ayna intaa raaciyeen in aan la ogolaan doonin cidii hub qaadato oo banaanka u baxda.

Odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qeyb galay ayaa dhankooda  raalli gelin ka bixiyey dhibaatooyin loo gaystay kaniisado iyo meherado ganacsi ay lahaayeen dad ka soo jeeda qowmiyado aan Soomaali ahayn.

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo kamid ah Waxgaradka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin waxii ka dhacay Jigjiga ,waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan.

Kulankan maanta ka dhacay magaalada Jigjiga ayaa kusoo aadaya xili magaalada Adis Ababa shir uga socdo dawladda federaalka Itoobiya iyo xubno ka tirsan xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -