Allbanaadir.com
NEWS

Magaalooyin lagu noolaa boqolaal sano ka hor oo laga helay dhulka hoostiisa

Cilmi baarayaasha ayaa waxa ay isticmaaleen aalado casri ah oo ay ku bikaaciyeen oogada dhulka, taas oo qaab sawir ah u muujin karta waxa dhulka hoostiisa ah illaa dhawr kiilo mitir ee aan ahayn ciidda.

Waxaa la rumeysanyahay in halkan ay degenaayeen dad malaayiin qof gaaraya oo xiliyo fog fog noolaa.

Prof Stephen Houston oo ka tirsan jaamacada Brown ayaa yiri “Tani waa horumarkii ugu weynaa ee muddo 150 sano ah laga sameeyay soo faagista taariikhda ilbaxnimadii Maya”.

yada oo la isticmaalayo tiknoolajiyadda casriga ee loo yaqaano Lidar ayaa waxa ay soo bandigtay in qaaradda Latin Amerika ay ka jirtay ilbaxnimo guun ah sida Giriiga iyo Shiinihii hore.

Qalabkan ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mucjiso, waxaa la saaraa diyaarad, halkaas oo dhulka dusha sare looga soo kaahiyo, kadibna waxa uu soo celinayaa danabyo lagu turjumi karo qalab kale oo u badalaya sawir muujinaya dhulka hoostiisa waxa ah ee ay isha qabanaynin.

Ilbaxnimada Maya ayaa jirtay 1500 sano ka hor, waxaana la sheegaa in ay ku noolaayeen illaa 5 milyan oo qof.

Balse hadda macluumaadka la heley ayaa waxa laga garan karaa in ay ku noolaayeen illaa 15 milyan oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mrs.Caroline Van Buren oo booqasho ku timid Somalia & Guddoomiye Yariisow oo qaabilay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo diiday baaq ka soo yeeray Max’ed Bin Salman

Caydiid Ali

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Shiraya iyo Ajandaha kulanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---