Dab xooggan oo xalay saqdii dhexe qabsaday Suuq ku yaalla Muqdisho (Sawirro)

Dab xooggan ayaa xalay saqdii dhexe abaare 12:30 daqiiqo ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasoo lagu guuleystay in la dembiyo isla xalay 4:00 habeenimo.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan uu cagta mariyey qeybo ka mid ah Suuqa gaar ahaan halka lagu Magacaabo Qandallada.

Kooxaha Gurmadka deg dega ah ee dab demiska gobolka Banaadir iyo shirkadda Hormuud ayaa isla xalay ku guuleystay inay damiyaan dabka oo aad u weynaa.

Sababta dabkan kicisay iyo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weli war looma hayo balse Taliyaha Saldhiga Galbeed ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Daahir ayaa sheegay in baaritaano lagu sameyn doono waxyaabaha soo celceliyay gubashadda Suuqyadda Muqdisho, isla markaana ay la xisaabtami doonaan Shirkaddaha Korontada oo inta badan in xargahooda uu ka dhasho dabka.

“Waxaan ku guulaysannay inaan damino dabkii ka kacay suuqa weyn ee degmada wadajir Abaaro 12:30 saq dhexe Waxaa Alle mahadiis ah inuusan dabkaas ku fidin ganacsigii kale iyo ciidanka amniga oo ku dadaalay inaysan meeshaas ka dhicin falal liddi ku ah amniga, Waxaan u mahad celinayaa guud ahaan qof walba oo ka qeybqaatay kana soo gurmaday shacab, Ciidan iyo maamulka gaar ahaan waaxda gurmadka degdega ah” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee G/Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax oo ku sugnaa goobta uu dabku kacay.

Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale xili habeenimo ah uu dab xooggan qabsaday suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana xigay dabab kale oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka Zoope iyo Suuq ku yaalla degmada Afgooye.

SAWIRADAN HOOSE WAXAY GAAR U YIHIIN ALLBANAADIR ONLINE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -