Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askar badan oo ku dhimatay Qarax loo dhigay gaari ay wateen Ciidamada Kenya

Qarax miino ayaa maanta ka dhacay gobolka xeebta ee dalka Kenya ee Lamu, kaasoo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada amniga dalkaas.

Booliska ayaa sheegay inay jiraan khasaare ka dhashay qaraxaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Waxayna shaaciyeen dhimashada ugu yaraan 5 askari, iyadoo dowladda Kenya ay ku eedeeysay Mas’uuliyadda Weerarkaasi Al-Shabaab.

Qaraxa ayaa qabsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, waxaana gubtay guud ahaan gaariga uu qaraxi haleelay.

Gobolka xeebta Kenya ee Lamu ayaa mudooyinkan ahaa meel ay ku soo badanayaan weerarada Al-shabaab, waxaana degaano ka tirsan gobolkan horey uga dhacay qaraxyo khasaare xoogan u geystay ciidamada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxyadii iyo weerarkii ka dhacay Meel ku dhaw Villa Somalia

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabay guddi todoba xubnood ka kooban (Akhriso)

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Ragii weeraray Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi oo la aqoonsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---