Nin Muqdisho shalay ku dilay Wiil mooto Bajaajle ahaa oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay nin hubeesan oo shalay isgooska Jubba ee magaalada Muqdisho ku dikay nin darawal mooto bajaajle ahaa.

Ninkan hubeesan ayaa dilka kaddib u baxsaday gobolka Shabeelaha Dhaxe , waxaana howlgal iska kaa shadeen booliiska Hirshabelle iyo kan gobolka Banaadir lagu soo qabtay ninka dilaaga ahaa.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in booliiska gacanta kusoo dhigeen nin uu ku sheegay askari u eke oo dilka u geestay wiil Bajaajle ahaa oo lagu magacaabayay Daahir Ibraahim Abshir.

Waxa uu beeniyay afhayeenka in ninkan dilka geestay uu ahaa askari katirsan ciidanka dowladda, waxa uuna cadeeyay afhayeenka in ninkan dilka geestay la horgeyn doono sharciga si loogu qaado ciqaabta dambiga uu geestay.

Ninkan dilka geestay ee booliiska soo qabteen ayaa la sheegay in wiilka uu dilay ay saaxiibo ahaayeen, waxa uuna dilka kaddib horey uga sii qaatay mootadii uu watay marxuumka.

- Advertisement -