Qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Axmed Madoobe iyo C/casiis Laftagareen ayaa saaka gaaray magaalada Garoowe.

Labada masuul oo kala hogaaminayey wufuud isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamuladooda ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Waxay ka qeyb geli doonaan xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni oo maalinta beri ah gelinka dambe ka dhaceysa Magaalada Garoowe.

Dayuurad sida ilaalada gaarka ah Madaxweynaha Somalia ayaa iyana saaka ka degtay magaalada Garoowe, iyadoo la filayo Farmaajo iyo wafdigiisa ay maanta gelinka dambe gaaraan halkaas sida wararku sheegayaan.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka u fadhiya Somalia ayaa sidoo kale saacadaha soo socda ee maanta ama beri waxaa la filayaa iney iska xaadiriyaan Garoowe.

Amaanka Magaalada ayaa si weyn loo xoojiyey, waxaana laga mamnuucay jidadka gaadiidka qaar sida mooto bajaajta, iyadoo gaadiid kale ee jidadka magaalada maraya ay dhowr meelood ku baarayaan ciidamada amaanka oo si weyn u feejigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -