Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Guddoomiyaha Aqalka Sare & wufuud kale oo Garowe gaaray (Daawo Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gaaray Magaalada Garowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Punltland.

Wafdiga Aqalka Sare waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Xildhibaano iyo wasiiro.

Wafdigan ayaa ka mid ah wufuuda lagu casuumay xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland oo 26 ka bishan ka dhaceysa magaalada garowe.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa uga mahadceliyay Golaha Wakiilada, wasiirada iyo dhamaan bahwaynta reer Puntland soo dhowayntii Maanta sida heerka sare loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha waxa kale uu ku amaanay reer Puntland Doorashadii sida nabad gelyada iyo ilbaxnimada leh uga dhacday dhawaan magaaladda Garowe.

Sidoo kale wufuud kale oo isugu jira siyaasiyiin, saraakiilm wasiiro iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa manta gaaray magaalada Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wefdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hal Arin ay ku fashilantay Dowlada Somalia oo sabab u noqday Weerarada Ismiidaaminta ee…

Cabdi Cade

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caawa talo siiyay Kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade
Taboola Ads ---