Jaamacadda Gareen Hope oo soo dhaweysay Qoraal kasoo baxay gudiga Tacliinta sare

Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare waxuu ku Wargelinayaa Jaamacadaha hoos ku xusan, Waalidiinta iyo Ardayda Jaamcadaha in Jaamacadahaanay heystaan Ruqsadda iyo Diiwangelinta Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xaqna ay u leeyihiin in ay howshoodii Waxbarsho ee ay bulshadda u hayeen wali sii wadan karaan.

Dhinaca kale Jaamacadda Green Hope oo ka mid ahaa Jaamcadaha ugu mudada dheeraa ee dalka ka jirey kana mid ah Jaamacadaha kuwooda ugu muga weyn ayaa soo dhaweysey qoraal ka soo baxay Gudiga Qaranka ee Tacliinta sare waxayna Jaamacadu sheegtey in ay Xoojin doonaan Wada shaqeynta Gudiga iyo Jaamacadda Green Hope.

- Advertisement -