Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dab xoog leh oo qabsaday kaalin shidaal oo Muqdisho ku taalla (Daawo Sawirro)

Dab xoog leh ayaa qabsaday Xarun Kaalin Shidaal ah oo ku taalla meel ku dhaw Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dabkaasi uu qasaare geytay.

Muuqaalka Dabka qabsaday kaalinta ayaa hawada qabsaday iyadoo goobtaasi laga kala cararray, waxaan dadweyne isugu soo baxay goobta ay dadaal u galeen sidii loo damin lahaa.

Goobo ganacsi iyo dhismeyaal kale oo goobtaasi ku yaalla ayuu sidoo kale dabku ku faafay

Waxaa goobtaas gaaray gaadiidka dab demiska gaadiidka Dab-damiska maamulka gobolka Banaadir oo ku howlan deminta dabkaasi.

Kaalinta shidaalkaee Dabka ka kacay ayaa waxa ay u dhawdahay dhismaha wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. Lama soo werin illaa hadda qasaar nafeed oo dabkaasi dhaliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saudi Arabia oo laga furayo dukaankii ugu horeeyey ee Khamriga lagu iibiyo

Caydiid Ali

Xildhibaanad ka tirsan Senatka Maraykanka oo shaacisay in la kufsaday

Caydiid Ali

Farmaajo & Shariif oo wadajir u shaaciyey in Xassan Shiikh uu ka hor yimid dedaal ay wadeen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---