Madaxweyne Trump oo ka jawaabay hadal uu dhibsaday oo kasoo yeeray R/Wasaare Justin Trudeau

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn uga carooday hadal uu Ra’isul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ka jeediyay shirka dalalka G-7 oo lagu soo gabo gabeeyay dalka Canada.

Donald Trump ayaa sheegay in Wakiiladiida ka codsaday in aysan saxiixin War Murtiyeedka laga soo saaray shirka G-7 kadib markii uu dhibsaday hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Justin Trudeau.

Ra’isul Wasaaraha dalka Canada Trudeau ayaa shirka dalalka G-7 ka sheegay in canshuurta cusub ee dowlada Mareykanka ee alamuniyamta iyo biraha inay yihiin kuwa aflagaaddo ah oon loo dul qaadan Karin.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay ku sheegay in Ra’isul Wasaaraha dalka Canada uu yahay qof aan daacad aheyn sidoo kale aad u liita , waxa uuna intaa ku daray in Justin ku hadlay been cad.

“Waa qof aan daacad aheyn oo aad u liita, Marka loo eego, hadalka beenta ah ee uu ka sheegey Justin iyo xaqiiqda ah in Kanada ay lacago badan dul saareyso beeralleyda Mareykanka, shaqaalaha iyo shirkadaha, waxaan amrey wakiillada Mareykanka inaysan ayidin war murtiyeedka, inagoo eegi doona canshuuraadka gawaarida ku soo qul qulaya suuqyada Mareykanka!” ayuu Trump yiri

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ah nin mayal adag oo aan la ganban caradiisa kana jawaaba hadalada uu dhibsado ee kasoo yeeraya Madaxda Caalamka, waxa uuna inta badan dhaleeceynta Trump u adeegsadaa bogiisa Twitterka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -