Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madax kala duwan oo ka qeyb gashay Aas loo sameeyay Jeneraal Careys (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland lagu aasay Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Puntland, Marxuumka ayaana shalay ku geeriyooday magaalada Garawe.

Aaska Jeneraalka waxaa ka qeyb galay Madaxweyaha Maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, Madaxdii hore ee Puntland ,Xildhibaano katirsan labada aqal ee Federaalka, Saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan oo katirsan maamulka Puntland.

Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidanka Xooga Soomaaliyeed, waxa uu sidoo kale soo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo lataliyaha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Antonio Guterres oo Shaaciyay in Dunnida ay halis ugu jirto dagaal Nukliyeer la isku adeegsado

Cabdi Cade

Askari ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland oo Xukun dil ah lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Shaaciyay sida Madaxweyne Farmaajo u fashiliyay Shirkii Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---