Wiil uu Adeer u ahaa masuul katirsanaa Al Shabaab oo isku qarxiyay Baar Sanguuni (Akhriso Magaca)

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay wareysi laga qaaday ninkii fuliyay weerar ismiidaamin ah oo sabtidii lagu qaaday xero ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidan ee kutaala deegaanka Baar Sanguuni ayaa isugu jiray weerar ismiidaamin iyo mid toos ah, waxaana weerarka ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo xerada lagu dhuftay.

Al Shabaab weerarka ismiidaaminta ah ee ku bilaabeen weerarka Baar Sanguuni waxaa fuliyay Cabdi Naasir Xasan Salaad oo loo yaqaan (Badbaado), ninkan ayaana kasoo jeeda Beesha Maxamuud Hiraabe (Duduble).

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay ninkan isku qarxiyay Xerada Baar Sanguuni in uu adeer u ahaa Sheekh Cabdullaahi Salaad oo kamid ahaa masuuliyiinta Al Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Muqdisho.

Al Shabaab ayaa inta badan weerarada xoogan goobaha ay ku qaadaan waxa ay ku bilaabaan weerar ismiidaamin ah, waxaana ismiidaaminta kadib Al Shabaab bilaabaan weerar toos ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -