Xildhibaan labaad oo isaga baxay Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh

Xildhibaankii labaad ayaa shaaciyey inuu tanaasulay xubinmadii Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) ayaa qoraal uu baraha bulshada soo dhigay ku sheegay inuu ka baxay Xisbiga UPD, ugana baxay arrimo isaga u gaar ah oo aanu sheegin.

.“Sida uu qabo qodobka 22-aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah waxaan Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka Janaayo 2019, halkaan ka cadeynayaa inaan Kabaxay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxaa uu intaas ku daray in Xisbiga UPD uu galay isagoo xor ah oo aan qasbanayn, haddana uu ka baxay isagoo xor ah

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ah xildhibaan da’yar ayaa noqonaya xildhibaankii labaad ee ka baxay xisbiga uu hogaamiyo Xasan Shiikh tan iyo markii dhowaan la aasaasay xisbigaas.

Xisbiga Xasan Sheekh ee UPD waxaa hore uga baxay xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, lamana oga sababta ka dambeysa inkastoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in labada Xildhibaan ay ku biirayaan xisbiga kale ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan laga diiwaan geliyey guddiga doorashooyinka Qaran ee madaxa banaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -