Awaamiir xiliga caleemo saarka lagu xoojinayo amniga Garowe oo la soo saaray

Iyadoo xaflada caleema-saarka Madaxweynaha Puntland ay maalmo kooban ka harsan yihiin ayaa Guddiga amniga gobolka Nugaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe waxaa uu soo saaray awaamiir ku saabsan sugidda amniga

Guddiga ayaa sheegay in magaalada ay imaanayaan wufuud kala duwan oo ka qeyb galaya caleema-saarka madaxweynaha cusub, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la xaqiijiyo amniga caasimadda, gaar ahaanna goobaha muhiimka ah ee la dejinayo wufuudda.

Laga bilaabo berry guddiga ayaa sheegay inaan la ogolaan doonin, gaadiidka bacaha madow, kuwa bilaa taarikada ah iyo gaadiidka hubaysan, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii jebisa amarkaasi.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay, in gaadiidka la hor-dhigto xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah sida hoteellada,waxaana guddigu amar ku bixiyay in lala wareego gaadiidkii lagu arko.

Dhinaca kale, ciidamada amniga ayaa looga digay in aysan hub la dhex mari karin magaalada, haddii aysan hawlgal ku jirin, iyadoo saraakiisha la faray, in ay tallaabo ka qaadan ciddii ku xad-gudubta arrintaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -