Ciidamada Kenya oo burburiyey xarun kale oo Shirkadda Hormuud ku laheyd J/hoose

Ciidamada Kenya ayaa xalay mar kale burburiyey xaruntii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee degaanka Dhuyac–Garoon oo ka tirsan gobolka Jubada hoose

Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo ku sugnaa xaruntan ayaa la sheegay inay ciidamadu dibedda uga saareen kaddibna halkaas ku burburiyeen Dhismihii, agabkii yaallay iyo Anteennadii shirkadda, iyadoo ciidamada Kenya ayaa burburinta xarunta u adeegsadeen walxaha qarxa.

Xaruntan ayaa qeyb ka ah xarumihii dhawaan hawadda ka baxay markii sidan oo kale loo gubay xaruntii Isgaarsiinta ee degaanka Calibuley.

Waxaa hawadda ka maqan oo aan shaqeyn telefoonada qeybo ka mid ah deegaannada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo xiriirka isgaarsiinta ka qaadan jiray xarumaha la bur buriyay waxaana Deegaannadaasi ka mid ah: Calibuley, Diif, Dhuyac-garoon, Geriley Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo jubbada Hoose.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale ciidamada Kenya u burburiyeen xaruntii Isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee degaanka Calibuley.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland ayaan illaa hadda ka hadlin tacaddiyada isdaba jooga ah ee ay geysanayaan ciidanka Kenya oo qeyb ka kuwa Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -