Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay shirkada ajnabiga ee heshiska la gashay Maamulka G/Banaadir ?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Qado sharaf Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Madaxda Shirkada Zadelar oo ah Shirkad ku taqasustay Dhismaha iyo Maareynta Biyo Mareenada, waxa ayna horey ugu soo shaqeesay wadamo badan oo ka tirsan Caalamka.

Shirkadaan oo casuumaad rasmi ah ka heysata Maamulka Gobolka Banaadir, si xal loogu helo biyomareenada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shirar la qaateen Guddi Farsamo iyo Injineero Maamulka Gobolka Banaadir u xil saaran dib-u-dhiska iyo xal u helidda Bulaacadaha Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, La-taliyeyaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Injineero Soomaaliyeed oo ku taqasusay dhismaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Madaxda Shirkadda Zadelar sida ay u aqbaleen casuumaada loo fidiyay, asigoo sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay in ay kaashato cid weliba oo Maamulka Gobolka Banaadir kala shaqeyn karta maareynta iyo xal-u-helidda Bulaacadaha  Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu raadinayo Ra’isul Wasaare aan nuuciisa la arkeyn !!

Cabdi Cade

Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Facebook oo hawada ka saaray xayeysiin loo sameeyey ololaha doorashada Trump (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---