Soomaali gaari ay wateen lagu qabtay Walxaha Qarxa oo lagu xiray dalka Uganda

Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa xiray muwaadiniin Soomaaliyeed oo kunool magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, kadib markii gaari ay wateen laga helay waxyaabaha qarxa.

War kasoo baxay Booliska magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu sheegay in ay xireen  muwaadin Soomaaliyeed oo gaarigiisa laga helay walxaha qarxa xili uu doonayay inuu galo Hotel Speke Resort ee degaanka Munyonyo.

Gaariga ayaa laga helay waxyaabaha qarxa xili uu gudaha hotelka galayay, waxaana qaraxaasi arkay ilaalada Hotelka kuwaa oo si deg deg ah ugu war galiyay ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa la dagaalanka Argagaxisada.

“Baaritaanada horudhaca ah waxay muujinayaan in walxahan qarxa ay booliiska soo qobteen ka dib markii la baaray gaari  nooca tooyootada , gaarigan waxaa waday Cabadi Kariim Mayow oo ah 25 jir Soomaali ah kana mid ah dadka deegaanka”ayaa lagu yiri warka booliiska.

Ninkan Booliiska qabteen ayaa sheegay in gaariga laga soo kireestay uuna waday ehelada nin uu magaciisa ku sheegay Maxamed Xasan oo isna kamid ah Soomaalida kunool magaalada Kampala.

“Wuxuu ninkan ku andacooday in gaariga la soo kireystay oo uu ka soo kireystay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah nin Somaali ah oo 28 jir ah oo u sheegay in uu ka soo qaaday Monyonyi qaraabadiisa oo kala ah hooyadii iyo walaalihii oo uu ku soo qaaday walxahan qarxa, waxaan xirnay Cabdi Kariin Mayow iyo Maxamed Xasan, waxaan sidoo kale xirnay xubnaha kale ee qoyska” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska.

Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgalo lagu xir xiray dad badan oo lagu tuhmayo falal argagaxiso kadib qaraxyadii kharaaha kala duwanaa geestay ee ka dhacay magaalada Kampala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -