Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo ka hadashay nin ajnabi ah oo lagu xiray garoonka Aadan cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) ayaa ka hadlay nin ajnabi ah oo la sheegay in lagu qabtay garoonka Aadan cadde markii lagu helay waxyaabaha qarxa xili uu raaci rabay dayuurada Ethiopian Airlines

Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in la xiray ninkaan ayna weli su’aalo weydiinayaan laamaha amniga.

Waxa kale oo uu sheegay wasiir Oomaar in ninkaani la xaqiijiyay in uusan waddan waxyaabaha qarxa oo markii horeba lagaga shakiyay xili uu dalka isaga baxayay, balse uu watay Gasac ay ku jirtay Qiiqa dadka ka ilmeysiiya.

“Maalinimadii sabtiga aheyd, waxaa la qabtay nin ajnebi ah oo watay boorso laga shakiyay, weli waxaan wadnaa baaritaan wixii kasoo baxana waan idiin la wadaagi doonaa” ayuu sheegay Wasiir Oomaar.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iy duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) waxa kale oo uu sheegay in howsha Garoonka ay sidiisa u socoto, aysana jirin wax cabsi ah ama hakad ah oo soo galay howsha Garoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada Israel oo laayay qoys 18 qof ka kooban (Sawirro)

Caydiid Ali

Villa Somalia oo Go’aan ka dhan ah Xildhibaanada soo saartay iyo Qoor Qoor oo Waji kale lasoo baxay

admin

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Somalia oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---