Ciidanka milatariga Soomaaliya oo garab weyn ka helayay ciidanka macawuusleyda gobolka Hiiraan, ayaa galabta weerar xooggan ay khasaaro ku gaarsiiyeen maleeshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab, waxa ay ku qaadeen deegaanno dhaca xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.
Ciidamadan huwanta ah ayaa weeraro kadis ah ku qaaday goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada halkaasi ku dileen qaar kamid ah kooxda Al Shabaab, iyagoona meydadka ragga ay dileen iyo hubkii ay wateen horey uga soo qaatay deegaannada howlgalku ka dhacay.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay howlgalka ay fuliyeen ciidanka xoogga iyo kuwa macawuusleyda, waxa uuna xusay in ciidamada casharo lama ilaawaan ah u dhigeen argagaxsida Al Shabaab.
”Waxaan bogaadinayaa, si weyn u garab taaggannahay xaq u dirirka ciidamada Xoogga dalka iyo macawislayda deegaanada Muqluga Cali , Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan iyo deegaanada kale ee ciidamada XDS iyo macawislaydu ay galabtay wacdaraha ugu dhigeen Kooxda Khawaarijta, dhabarkana loo saaray guuldarro xooggan ilaa lagu qasbay in ay ka cararaaan tobonaan ka mid ah maydadkoodii” ayuu yiri Wasiirka.
Waxa uuna Wasiirka hadalkiisa intaasi kusii daray ”Khawaarijta tabartoodu waa intaas, waxayna reer Hiiraan muujiyeen dhabar adayg iyo geesinimo laga qaadan doono casharro, meel kasta oo ciidamada qaranka, kuwa dawlad Goboleedyada iyo kuwa deegaanku ay ku sugan yihiin waxaan ku dhiiragalinayaa in uu bilowday jabkii khawaarijtii rogaal-celinta waday, sidaas awgeed in la xoojiyo dagaalka xaqqa ah ee lagula jiro”
Ciidanka macawuusleyda gobolka Hiiraan, ayaa marar badan fuliyay weeraro ay ku gumaadeen kooxda Al Shabaab, waxaana macawuusleyda Hiiraan lagu tilmaamay geesiyaal casharo badan u dhigay kooxda Al Shabaab ee ku sugnaa deegaanno katirsan gobolka Hiiraan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com