Amniga Magaalooyinka dalka Kenya oo si weyn loo xoojiyey

Amniga magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ayaa si weyn loo xoojiyey, iyadoo saraakiishu sheegeen inay hayaan xogta weerar argagexiso oo ay qorsheynayaan  Al-shabaab inta lagu guda jiro maalmaha ciida Kirismiska iyo dhalashada sanadka cusub.

Boolis si xoog leh u hubeysan ah ayaa la dhigay magaalooyinka dalka, kuwaasoo heegan buuxa la geliyay, maadaama sanadka cusub uu maanta bilowday, sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya

Gudoomiyaha magaalada Mombasa Nelson Achoki ayaa horey u sheegay in ay suurta gal tahay in Al-shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan degaanada dhaca xeebta dalkaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamo boolis ah  la geeyay  xarumaha muhiimka ah oo laga baqdin qabo in la weeraro.

Sido kale Laamana amaanka ayaa faray Shacabka iney muujiyaan feejignaan dheeri ah maadaama ay hayaan xogo la xiriiro Weeraro ka dhici kara Magaalooyinka dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -