Laftagareen oo markii ugu horeysay ka hadlay xariga Roobow & rabshidihii Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay rabshadihii ka dhacay Baydhabo iyo xariga Mukhtaar Roobow.

Laftagareen oo odayaal ka tirsan duubabka dhaqanka KG kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in wixii dhibaato ah ee Baydhabo ka dhacay doorashiidiisii ka hor uu aad uga xunyahay uuna maamulkiisa ka shaqeyn doono sidii loo xalin lahaa wixii tabasho ah oo ay dadka degaanadan tabanayaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Sidoo kale sheegay in isagoo kaashanaya Madaxda qaranka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed uu ka shaqeyn doono sidii xal loogu heli lahaa sii deynta Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiintii isaga la loolamayey xiligii doorashada balse ay xirtay dowlada federaalka.

Mudane Lafta gareen ayaa 16-kii bisha xafladiisa caleema saarka ka sheegay in howsha ugu horeysa ee uu maamulkiisa qaban doono ay noqon doonto dib u heshiisin waarta oo ka dhaqan gasha deegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -