Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal khasaare geystay oo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DF (Maxaa sababay)

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose iska horimaad ayaa maanta halkaas ku dhexmaray laba ciidan oo ka kala tirsan milatariga iyo booliiska Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhashay muran u saabsan lacagaha laga qaado mid ka mid ah baraha kontrool ee degmada Afgooye.

Goob joogayaal ayaa u sheegay in iska horimaadka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan laba qof oo shacab ah

Xiisada ka dhalatay iska horimaadkan oo muddo saacado ah taagneyd ayaa sababtay khal khal ku yimid isku socodka dadka, gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

Xaaladda magaalada ayaa degtay Afgooye gelinkii dambe ee maanta, iyadoo Sarakiisha dawladda ee Afgooye aysan ilaa hadda rasmi ahana uga hadlin iska horimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saddex qodob ka Ogow Maalqabeennadii wadkoodda ku iibsaday lacagta badan

Cabdi Cade

Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu qabtay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---