Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

War cusub oo ka soo kordhay xarig Itoobiya loogu geystay weriyeyaal uu ku jiray Coldoon

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo labo wariye kale oo ay xabsiga dhigtay dowladda Itoobiya ayaa xalay dib u helay xoriyadooda sida ay sheegayaan wararja naga soo gaaraya magaalada Jigjiga.

Saddexda weriye ayaa la sii daayay kadib markii shalay gelikii danbe loo soo wareejiyay Magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida ee Itoobiya hoostaga.

Ilo wareedyo ayaa ku waramaya inay xalay abaare 10:00 fiidnimo la sii dayay wariyeyaasha, loona kaxeeyay Hotel ku yaala Jigjiga.

Xarigga sadexda weriye ayaa ka dhacay halka Gaashaamo loo yaqaano ee dowlada degaanka Soomaalida ka tirsan.

Waxaa lagu eedeeyay inay ka shaqeynayeen warbaahin aysan fasax u heysanin, ayna wadeen howlo la iskaga horkeenayo bulshada degaanka.

Coldoon ayaa bilo ka hor si weyn loogu dhaweeyay magaalada Jigjiga ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha  degaanka Soomaalida Mustafa Cagjar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo Muhaajiriin ah ku dhintay Doon ay la socdeen oo ku degtay Madagascar

Cabdi Cade

Ciidamo loo tababaray la dagaalanka Al-shabaab oo la soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qofkii Labaad oo ku sugan Muqdisho oo laga helay Caabuqa Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---