Allbanaadir.com
NEWS

Aqalka Sare oo guda galaya doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka  oo ajandihiisu ahaa katashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka, ayaa ugu horrayn warbixin looga dhagaystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS, Sanatar Siciid Cabdi Xuseen, isagoo ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen, muhiimaddiisa iyo in ay u diyaarsan yihiin ka guddi ahaan afarta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.

Intaas kadib xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka yeesheen habraaca dib u eegista Dastuurka, waxay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu danbayn isla qaateen.

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka dalka, waxa ayna xildhibaanada wax ka bedel ku sameyn doonaan qaar kamid ah qodobada Dastuurka KMG ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Agab (Sawirro)

Cabdi Cade

Odayaal soo fara geliyey khilaafka Khayre & Ahlu sunna & kulamo ka socda Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo Su’aallo laga weediiyay xaalada maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhaxe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---