Gudoomiye Mursal oo Xal u raadinaya Dhibaatadii ka dhacday Baydhabo (Daawo Sawiro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay Waxgaradka Baydhabo si xal looga gaaro dhibaatadii ka dhacday Baydhabo xiligii doorashada.

Gudoomiyaha ayaa Cabashada iyo Warbixinno La Xiriirta Xaaladaha Koonfur-galbeed Ka Dhageystay Qaar Kamid ah Odayaasha iyaga Oo Ka Hadlay Arimahii Ka dhacay Koonfur-galbeed Maadaama ay Yihiin Dadkii Qeyb Lexaad Leh Ka Qaatay Dhismihii Maamuladii Soo maray Koonfur-galbeed,

Odayaasha ayaa soo jeediyay in xal laga gaaro dhibaatadii dhacday ayna dhankooda diyaar u yihiin nabadeynta iyo garab istaagga Maamulka Koonfur-galbeed Hogaanka Cusub ee Uu Yeeshay .

Intaas Ka dib Gudoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Odayaasha Dhaqanka Kala hadlay arrimihii ay Soo jeediyeen, Wuxuuna u jeediyay in Si deg deg ah ay u xalin doonaan dhamaan howlaha wax ka qabashada u Baahan.

“Waxaan Si gaar ah u dhinac istaagi doonaa Dadka Tabashooyinka Qaba iyo dhamaan dhinacyada u baahan inay nala Shaqeeyaan Si daawa Loo Helo Waa in marka hore wixii dhibka Keenay aan Ka bilownaa ,

Gudoomiyaha yaa intaasi sii Raaciyay ” Waxaa Jiri doona Kulamo Joogta ah Oo Wada Tashi Ku Saabsan Oo aan La yeelan doono sidoo Kalena Laga Warqabi Doono Odayaasha Dhaqanka,”

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Ayaa Odayaasha Dhaqanka U Balanqaaday Inay Gaar ahaan Iyo Guud ahaanba Ay Heli Doonaan Garab Istaag Odayaasha dhaqanka

” Mar waliba Waa In La xusuusnaadaa inaad tihiin tiirarkii dawladnimada runtii Waana La idin baahan yahay Waa in la idinka warqabaa anagoo ah Madaxdii Federaalkana Waan Ka Shaqeyn Doonaa Inaan Xuquuqdiina Heshaan,”ayuu Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -