Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil katirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxtooyada oo Maxkamad la horgeeyay

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay labo sargaal oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo sargaal ka tirsan ciidanka ilaaladda madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in labo sargaal oo katirsan wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan qeybta farsamada iyo sargaal katirsan ilaalada madaxtooyada galeen falal la xariira musuq maasuq iyo xatooyo.

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa horey maxkamadda gobolka Banaadir u horgeesay saraakiil katirsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya , gaar ahaan qeybta qaadista canshuuraha bariga ‘kuwaa oo iyana loo heestay in ay ku kaceen musuq maasuq.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Xarunta channelka labaad ee SNTV (Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiyiin kale oo qaadacay Wax ka bedelka Dastuurka KMG

Cabdi Cade

Muslimiin badan oo ka carooday calaamad jirkiisa ku xardhay Pete Hegseth

Cabdi Cade
Taboola Ads ---