Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo isku mari waayey hal arrin (Xog hoose)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan kulan albaabadu u xiran yihiin oo maanta Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.

Kulankan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia

Waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha ka sokow Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan.

Sida aanu ka soo xiganay ilo wareedyo muhiim ah qodobka ugu badan ee kulankaas looga dooday ayaa ahaa doorashooyinka, oo si weyn loogu aragti duwan yahay.

Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegay inuu weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021-ka, isagoo madaxda dowlad goboleedyada u sheegay in la gaaray xilligii Soomaalidu go’aan ka gaari lahaayeen dadkii matali lahaa, loona baahan yahay in arrintaas laga dhabeeyo

Madaxda dowlad goboleedyada waxay madaxweynaha u sheegeen iney haboon tahay in laga tashado jidka ugu haboon ee doorasho lagu geli karo, loona baahan yahay doorasho la isla ogol yahay, oo dhacda waqtigii loogu talo galay.

Qodobkan la xiriira nooca ay noqoneyso doorashada ka dhaceysa dalka ayaa ah kan ugu weyn ee hortaagan inuu shirka furmo, waxaana socda dedaalo la iskugu soo dhoweynayo labada dhinac oo ku aadan sidii loo heli lahaa xal la isla ogol yahay.

Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa u balansan saacadaha soo socda kulamo kale si la iskugu dayo in xal laga gaaro qodobka la isku hayo ee doorashooyinka oo shacabka Soomaaliyeed oo idil ay isha ku hayaan sida go’aan looga gaari doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -