Dayuurad Xamuul oo ku dhacday degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

Dayuurad nuuca xamuulka qaadda ah ayaa ku dhacday duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose sida uu sheegay maamulka gobolkaas.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Sh/hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa tilmaamay inay heleen xogta ku aadan diyaaradan, gelinkii dambe ee maalintii Arbacada.

Wuxuu sheegay ka hor inta aanay dhicin dayuuradaasi in lagu arkay iyadoo joog hoose ku duuleysa inta u dhaxeyso degmada Wanlaweyn iyo degaanka Warmaxan, shacabkuna cabsi dareemeen.

C/fitaax ayaa sheegay in Dayuuradan ay u muuqatay inay kor u kici la’dahay, sababo ku aadan diyaaradda oo loo maleynayo inay xamuul ka tan badan siday, ugu dambeyna ay ku dhacday degaanka Labiga oo ku dhow Xeradii hore ee Ciidanka Kumaandoska Soomaaliyeed ee Kaba Hirig oo ku dhow Wanle-weyn.

Waxaa uu intaas ku daray iney socdaan baaritaano isla markaana  Maamulka Degmada Wanlaweyn iyo Booliska Degmada ay kala warbixino qaadanayaan saraakiisha Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan garoonka Balli-doogle.

Lama oga illaa hadda halka ay ka timid dayuuradan, cida laheyd iyo  goobta ay ku sii jeeday, sidoo kale ma cadda inuu jiro khasaare nafeed oo soo gaaray shaqaalihii la socday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -