Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurado shil ku galay dalka Faransiiska & howlo gurmad ah oo socda (Daawo Sawirro)

Laba dayuuradood oo ah kuwa ciidamada ayaa ku burburay Koonfurta Faransiiska, iyadoo shilkani dayuuradeed ay ku dhinteen 5 qof sida warbaahinta Faransiiska sheegeen.

Burburka diyaaradahani ah nooca Helikobtarka ayaa ka dhacay harada Carcès.

Kooxaha gurmadka ayaa imika baadigoobaya 6 qof oo saarnaa mid ka mid ah diyaaradaha burburay.

Ma cadda ilaa iyo imika waxa dhaliyay burburka diyaaradahani oo laga lahaa iskuul militari oo lagu barto sida diyaaradaha loo duuliyo oo lagu magacaabo Ealat.

Iskuulkani ayaa waxa duuliyanimada lagu baraa duuliyayaasha militariga iyo kuwa ciidamada kale ee dalka Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Somalia oo War kasoo saartay Shirka Sadex Geesoodka ee ka dhacaya Asmara 

Caydiid Ali

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga Masuuliyiin ku eedeysan musuq

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---