Allbanaadir.com
NEWS

Wiil uu dhalay Madaxweyne caan ah oo gacantiisa isku daldalay

Wiilka ugu weyn dadka uu dhalay hoggaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday isaga oo 68 jir ah.

Fidel Ángel Castro Díaz-Balart ayaa la sheegay inuu isaga gacantiisa isku dilay sida ay tabisay warbaahinta dowladda, ka dib markii uu la soo gudboonaaday walwal iyo tiiraanyo.

Wuxuu ahaa Saynisyahan xagga hubka Niyuuklerka ah oo lagu tababaray dalka la isku oran jiray Midowgii Soviet-ka ee burburay.

Waxa uu la taliye xagga Sayniska u ahaa golaha maamula dalkaas, wuxuuna mar noqday Madaxweynaha Akadeemiyadda Seyniska Cuba.

Waxa uu sidoo kale mar madax ka noqday barnaamijka Niyukleerka Cuba.

Aabihiis oo muddo dheer soo xukumayay dalkaas ayaa geeriyooday sanadkii 2016-kii isaga oo 90 jir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Daawo Sawirada :Xukuumada oo Muqdisho ka furtay Xafiis Howlo Muhiim ah qabanaya

Cabdi Cade

Sargaal sare oo katirsanaa Ahlu Sunna iyo Ciidamo uu watay oo ku biiray ciidanka Dowlada

Cabdi Cade

Rooble iyo wafdigiisa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---