Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Waare oo caawa laga laabtay iyo xog ku aadan lacagta la siiyay …

Waxaa goordhaw Munaasabad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabelle ee magaalada Jowhar lagu shaaciyay in laga laabtay mooshinkii dhawaan Xildhibaanada Hirshabelle ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Munaasabada ka dhacday magaalada Jowhar waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare , kuxigeenkiisa ,Gudoonka Baarlamaanka iyo inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in laga heshiiyay Mooshinkii Xildhibaanada ka gudbiyeen Madaxweyne Waare, waxa uuna cadeeyay in mooshinka halkaasi ku bur buray.

Sheekh Cusmaan ayaa Munaasabada ka cadeeyay in Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne ay ka laabteen, waxa uuna u mahad celiyay dowlada Federaalka uu sheegay in ay dadaal ku bixisay joojinta mooshinkan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle ka laabashada mooshinkan ku bixiyay lacag badan, waxa uuna Madaxweynaha dadaal badan uu sameeyay ugu dambeyn ku guuleestay in mooshinka fashilmo.

Xildhibaano katirsan Baralamaanka maamulka Hirshabelle ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Waare lacag ku bixiyay in laga laabto mooshinka laga gudbiyay, waxaana Xildhibaan walbo oo kamid ah Hirshabelle la siiyay lacag dhan Kun Dollar.

Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa sidoo kale lacag badan lagu siiyay sidii mooshinkan loo baajin lahaa, waxaana caawa guuleestay dadaalkii uu Madaxweyne Waare ku bixiyay in Mooshinka fashilmi.

Madaxweyne Waare ayaa si deg deg ah uga duulay magaalada Muqdisho isaga oo wata boorso lacag ah oo u adeegsaday kalaabashada mooshinka, waxa uuna Waare taageero ka helay dowlada Federaalka uu dhawaan heshiis la galay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -