Duqeyn la sheegay in lagu burburiyey Idaacadda Andalus ee degmada Bu’aale

Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa la sheegay iney duqeymo ka fuliyey Magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay muddo dheer maamulayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa sheegay Duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Wariyeyaal ka tirsan warbaahinta kooxdaas.

Cali Max’ed Max’uud (Bogmadow) Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamada xoogga  iyo kuwo Mareykan ah weerar duqeyn iyo mid toos ah ka fuliyeen gudaha Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe.

Sidoo kale, General Bogmadow ayaa intaas ku daray in meelaha la weeraray ay ku jirtay xarunta Idaacada Andaluus oo ku hadasha Afka  Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan  Al-shabaab iyo Afar wariyaasha Al-shabaab ka tirsan isla markaana qalabkii Idaacadaas la burburiyay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, kaasoo ay kaga jawaabayaan hadalka ka soo yeeray Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, lamaha hayo warar madax banaan oo ka waramaya weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -