Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada weerarkii ay saaka ku qaadeen Baar-Sanguuni (Sawirro)

Kooxda Alshabaab ayaa caawa soo bandhigtay sawirro ay sheegtay inay yihiin dagaalkii ay maanta ku qaaday xerada Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Alshabaab ayaa muuqaalladda ay faafisay waxay muujinayaan ciidankooda oo gudaha ugu jira Xerada Sanguuni, iyo qeybo ka mida saldhigga oo gubanaya, halka qaarkood ay wataan saanad laga helay xerada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkii maanta ku dileen 41 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland, iyagoo intaas ku daray iney Gaari Cabdi Bile ah oo uu saaran yahay Qori dhashiike ah ku qabsadeen.

Saraakiil milateri oo ku sugan Jubbooyinka ayaa shaki geliyey dhab ahaanshaha sawiradan ay soo bandhigeen Al-shabaab oo ay sheegeen iney dhici karto sawiradii weerarkii hore iney yihiin.

Taliyeyaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa Iyana saaka sheegay in ka badan 60 ka tirsan al-Shabaab lagu dilay duqeyn lagula eegtay inta u dhaxeysa Sanguuni iyo buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Al-shabaab ee duqeynta lagu dilay ayaa qeyb ka ahaa xoogag badan oo saaka waabarigii weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin xerada Baar Sanguuni oo qiyaastii 50km dhinaca waqooyi kaga began magaalada Kismaayo.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in xaradaasi uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray labada dhinaca, khasaare dhimashada dhaliyay.

Wararka ayaa sheegaya in  al-Shabaab ay muddo kooban qabsadeen xerada, balse markii danbe laga saaray kadib markii ciidanka federaalka iyo jubbaland uu gurmad u yimid.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in Diyaarad loo malaynayo in Maraykanku uu leeyahay ay beegsatay baabuur ay saarnaayeen xoogaga al-Shabaab oo marayay meel u dhow deegaanka Sanguuni iyo Buundada Araare halkaasii khasaare balaalaran loogu geystay sida ay muujinayaan sawiro lagu baahiyey baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -