Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo War ka soo saaray duqeyn uu saaka la beegsaday Xoogaga Al-Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika- AFRICOM ayaa war kasoo saartay weerar duqeyn ah oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo,  iyagoo sheegay in lagu dilay tiradii ugu badneyd ee ka tirsan xoogaga Alshabaab.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka duqeynta uu ka dhacay agagaarka degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe, laguna dilay 52 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa weerar ay Alshabaab ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya saaka waaberigii kaasoo ka dhacay degaanka Baar-sanguuni.

Sawiro lagu faafiyey baraha bulshada oo laga soo qaaday duqeyntan ayaa muujinaya gaari xamuul ah oo ku gubtay gantaal lala helay iyo meydad bilqan dusha iyo hareeraha gaariga kuwaasoo qaarkood gubtay lana aqoonsan Karin, halka qaar kale jirkoodu uu googoo’ay.

Qoraalka Taliska ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay inaysan jirin qasaare soo gaaray dad rayid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan oo baaqday iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Cabdi Cade

Dagaal culus oo ka qarxay Guriceel iyo Ciidamada Huwanta oo Dhoor Jiho ka galay

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Somalia waxaa hadda gaarista Midnimada uga muhiimsan Helida Nabadda”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---