Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad loo heesto Weerarkii Nairobi oo Maxkamad kasoo muuqday (Daawo Sawirada)

Maxkamad kutaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa shalay oo jimco ah lasoo taagay shan ruux oo mid kamid ah haween tahay, kuwaa oo loo heesto in ay xiriir la lahaayeen ragii weerarka fuliyay.

Shanta qof ee kasoo muuqday maxkamada Milalani ee magaalada Nairobi ayaa isugu jiray taksiilayaal la sheegay in meelo kala duwan u qaadeen qaar kamid ah ragii fuliyay weerarkii ka dhacay Dusit hote iyo kuwa kale oo ragaasi xariir la sameeyay.

Dadka Maxkamada lasoo taagay waxaa kamid ah nin heesta dhalashada dalka Canada oo lagu magacaabo Abdihakim Mohamed Guleid, waxaana ninkan lagu tuhmayaa in uu xiriir la lahaa kooxda weerarka geesatay.

Afara qof kale ee loo heesto in ay xiriir la lahaayeen kooxda weerarka  geesatay ayaa u dhashay dalka Kenya, waxaana labo kamid ah la sheegay in ay ahaayeen taksiilayaan halka kuwa kalana la sheegay in macaamiil kala dhaxeeyay raga weerarka fuliyay.

Shantan qof ee loo heesto in ay xiriir la lahaayeen ragii weerarka ka geestay talaadadii magaalada Nairobi ayaa dib loogu celiyay xabsiga si laamaha dambi baarista baaritaano dheeraadaah ugu soo sameeyaan.

Halkan ka Akhriso magacyada dadka Maxkamada lasoo taagay

1.Joel Ng’ang’a Wainaina

2.Oliver Kanyago Muthee

3.Gladys Kaari Justus

4.Abdihakim Mohamed Guleid

5.Osman Ibrahim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoys doortay in ay noloshooda ku dhex qaataan hoteel five star ah iyo Sababta keentay!

Cabdi Cade

Indha sarcaadku siyaasadda qeyb ka ma’ahan (sanadkii koowaad ee madaxweyne Farmaajo)

Cabdi Cade

Farmaajo oo  qaabilay Guddigii Soomaaliya ku matalayay Kiiska Baddeena (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---