Axmed Madoobe & golihiisa Wasiirada oo shir xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Waxaa golahu uu dood ka yeeshay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golaha amniga heer Dowlad Goboleed laga dalbaday inay soo gudbiyaan habraaca Cusub ee sugida nabadgalyada taas oo ay ku shaqaynayaan Hay’adaha amaanka Jubbaland.

sidoo kale waxaa golahu uu ka dooday dadaalka Wasaarada Arimaha gudaha Jubbaland ay ku bixinayso sidii looso gabagabayn lahaa dhamaynta tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday Jubbaland waxaana golahu uu ku amaanay Wasaarada sida ay ilaa hada u xalisay qaybo badan oo kamid ah dadkii tabashooyinka qabay.

Waxaa kale oo golahu uu Wasaarada Dastuurka ka dhagaystay Warbixin la xiriirta hanaanka dib u eegista dastuurka qabyada ah ee JFS kaas oo dadaalada lagu dhamaystirayo wali ay wax ka dhiman yihiin isla markana qodobada u baahan in xal siyaasadeed laga gaaro aysan ilaa hada latashi Dowlada Federaalka ah kala samaynin Jubbaland taas oo meesha ka saaraysa sax ahaanshaha dib u habaynta Dastuurka oo ah heshiis bulsho oo ay tahay in dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhaca ku yimid Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland in uu wakhti kooban kadib qabsoomayo isla markana ay Magaalada Kismaayo soo gaarayan Marti sharafta kala duwan ee lagu marti qaaday munaasabadan.

Dhinaca kale golahu wuxuu ka hadlay xariga Magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur kaasoo ay sheegeen inuu yahay mid sharci daro ah Hay’adaha garsoorka Jubbaland ayaa la faray in ay arintaas dadaal dheeri ah ku bixiyaan sidii xal looga gaari lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -