Nin si xeeladeysan u kufsaday boqolaal gabdho yar yar oo xukun adag lagu riday (Daawo Sawirro)

Dhaqtarkii kooxda qalaama-rogadka Maraykanka Larry Nassar ayaa la ogaaday inuu faro xumeeyay gabdho yar yar oo gaaraya illaa 265 qof

Illaa 65 gabdhood oo hor leh ayaa qiraal ka bixinaya maxkamad todobaadkan, xili usbuucii hore ninkan lagu xukumay 175 sano oo xabsi ah ka dib markii 160 dumar ah ay ka sheegteen in uu ku xad gudbay.

Dadka uu waxyeeleeyay waxaa ka mid ah kuwo caan ah oo ay ka mid yihiin gabadha qaadatay billada dahabka ah ee Alu Raisman iyo Jordyn Wieber.

Dhagaysiga dacwadan ayaa waxay ku saabsan tahay sidii dhaqtarkan uu gabdhaha yaryar ugu xad gudbi jirey goob caafimaad oo uu xiriirka leeyahay ee gobolka Michigan.

Mid ka ah gabdhaha uu ninkan waxyeelada gaarsiiyay ayaa waxa ay da’deedu ka hooseysay 13 jir, halka labo kalena ay jireen 15 sano.

“Tirada dhibenayaasha waxa ay gaarayaan 265, waxaana jira tiro kale oo aanan la garanaynin oo ku sugan dalka oo dhan iyo adduunka” ayey tiri Janice Cunningham oo ah Xaakimka maxkamad ku taala magaalada Charlotte.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in dhagaysiga si toos ah loo tabiyo si dadka maxkamadda ka maqan ay uga qeybqaataan.

Dacwadan ugu dambeysay ayaa waxaa laga yaabaa haddii lagu helo in lagu xukumo 25 sano illaa 40 sano.

Xiriirka qalaama-rogadka Maraykanka ayaa sheegay in dhammaan ay is casileen dhammaan guddigii bud-dhigeyaasha xiriirka sababo la xiriira fadeexada Nassar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -