Dowlada Mareykanka oo liiska argagaxisada ku dartay hogaamiye caan ah

Mareykanka ayaa hogaamiyaha ururka Hamas, Ismaciil Haniyeh ku daray liiska argagixisada ee Mareykanka, kadib markii ay sheegeen in Ismaciil loo aqoonsaday inuu yahay argagixiso caalami ah.

Mr. Haniyeh ayaa sannadkii 2006 loo doortay Raisal wasaaraha Falastiin, balse wadamada reer galbeedka ayaa xiligaasi diiday inay la macaamilaan Ismail Haniyeh.

Afhayeen u hadlay Hamas oo lagu magacaabo Ismail Radwan ayaa waxaa uu sheegay in tallaabadaasi ay muujineyso in Mareykanka uu la saftay Israiil.

Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda Mareykanka ay magaalada Qudus u aqoonsatay caasimadda Israiil, taasoo caro ka dhalisay wadamada Islaamka.

Madaxweynaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa horay u sheegay in Mareykanka uusan dhexdhexaad ka noqon Karin qadiyadda Falastiin iyo Israiil, maadaama uu la saftay buu yiri Israiil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -