Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Cabduqaadir Arwaax oo Shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu hayay kana hadlay Sababta

Gudoomiye kuxigeenkii Arimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Cabduqaadir Maxamed Arwaax oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Baladeyne ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii uu hayay.

Mr Arwaax ayaa sababta uu xilka isaga casilay ku sheegay in ay ay isqabteen maamulka gobolka Hiiraan, waxa uuna ka gaabsaday in uu shaaciyo waxa ay isku qabteen maamulka gobolka uu katirsanaa.

Masuulkan is casilay ayaa sheegay in cabashada iyo waxa keenay in uu is casilo uusan u gudbin Madaxweynaha Hirshabelle, waxa uuna tilmaamay in isaga iyo Madaxweynaha ay u dhaxeeyaan shaqsiyaad uusan tilmaamin.

Waxa uu ugu baaqay Cabduqaadir Arwaax bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan in aayahooda ka tashadaan, waxa uuna cadeeyay in si shaqsiyan u go’aansaday in xilkii uu hayay uga tago.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ee is casilay ayaa xilkan loo magacaabay 17-11-2018-kii, waxaana maamulka gobolka Hiiraan iyo kan Baladweyne hareeyay khilaaf sababay in marar badan isbadalo lagu sameeyo maamulka gobolka iyo kan degmada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Olole xooggan oo ka socda Muqdisho iyo Musharaxiinta qaar oo kasbaday Xildhibaano badan

Cabdi Cade

Maxkamadda sare ee dalka Pakistan oo dambi ku weysay Imran Khan iyo Shah Mahmood

Cabdi Cade

Diiwaangelinta Barakcayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo la daahfuray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---