Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii hore ee Nabad sugida Qaranka oo si kulul u eedeeyey dowladda Soomaaliya

Taliyihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa dhaliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii dhawaan looga guuleystay kursi ka mid ah Golaha shacabka ah oo ka dhacday Magaalada Jowhar.

Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyey guddiga doorashooyinka inaysan u shaqeyn si hufan isla markaana ay ka qeyb qaateen guuldaradiisa.

Waxaa uu intaa ku daray in Dowlada Soomaaliya ay sidoo kala faragilin ku haysay doorashadaasi ayna ka talisay sidii loo soo dooran lahaa shaqsi ay wadatay.

Sanbaloolshe ayaa wuxuu ku cataabay in ergadii loo xulay doorashada kursigaasi in lacag badan la siiyay.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay maalgelisay Nuur Iidow Beyle oo xildhibaanimada kaga guuleystay isaga.

Sidoo kale Sambaloolshe ayaa sheegay in haddii uu ku soo bixi lahaa kursigan uusan noqon laheyn sida dad badan filyeen oo ah inuu Mucaarad noqonayo, isagoo xusay in madaxda dowlada iyo isaga ay ahaayeen saaxiibo isku dhow hase ahaatee dad dhexdooda ku jira ay warar xun faafiyeen.

Related posts

Nin gaari ka dhacay Puntland oo lagu qabtay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Cabdi Cade

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab & ilaaladiisa oo lagu dilay gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali

Ganacsato lagu eedeeyay in lacago siiyaan Al Shabaab oo digniin loo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---