Nin madow ah oo la toogtay & Dibad-baxyo cusub oo ka bilowday Maraykanka (Sawirro)

Gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka bilowday dibed baxyo cusub oo rabshado wata kaddib markii ay boolisku toogteen nin madow ah, kaasoo ay rasaas badan la dhaceen xilli ay sheegeen inay ka fal celinayeen dhacdo la xiriirta arrimo qoys.

Ninka la toogtay, oo magaciisa lagu sheegay Jacob Blake, ayaa isagoo ay xaaladdiisu aad u liidato ku jira isbitaalka.

Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa Mr Blake oo dhabarka laga tooganayo isagoo isku dayaya inuu galo gaari. Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Kenosha.

Mas’uuliyiinta Kenosha ayaa ku dhawaaqay bandow deg deg ah oo magaalada la saaray xilliga habeenkii ah, maadaama uu qalalaase xoog leh ka dhashay toogashadaas.

Ciidamada amniga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday boqollaal ruux oo mudaharaadayay, si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha ku gacan seyray amarka bandowga.

Boqollaal qof ayaa habeenimadii ay Axadda sii baxeysay isugu tagay saldhigga booliska. Gawaari badan ayaa dab la qabadsiiyay,

Digniin ay booliska soo saareen ayaa loogu baaqay dadka ganacsiyada 24-ka saac heysta inay xiraan, maadaama ay jirto cabsi xoog leh oo ku aaddan in bililiqo la sameeyo. Waxaa kale oo lasoo tabiyay in kooxo burcad ah ay rasaas ku fureen meelaha qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -