Afhayeenka Jabhadda ONLF oo ka degay Magaalada Addis ababa (Daawo Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayey Afhayeenka Jabhadda ONLF C/qaadir Hirmooge (Caddaani) ayaa galabta ka degay magaalada addis ababa ee dalka Itoobiya.

Caddaani iyo xubnaha la socday oo ka soo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa Addis Ababa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya iyo xubno kale.

Saacado ka hor booqashadiisa ayaa Jabhadda ONLF waxay magaalada Nairobi maanta kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, ka dib muddo tobanaan sano ah ay dagaal kaga soo hor jeedday dawladda Itoobiya.

Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee 12ka Agoosto ay salka ku hayso baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed.

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF oo Nairobi ku sugnaa saaka.

Inta uu Caddaani ku sugan yahay Magalada Adis Ababa ayaa waxa uu la kulmi doonaa Madax ka tirsan dowladda Federaalka Itoobiya,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dowlada Itoobiya ayaa dhowaan ka saartay liiska argagaxisada jabhado mucaarad ku ahaa oo ay ku jirto ONLF, Talaabadasoo qeyb ka aheyd isbedelada siyaasadeed ee uu wado raisul wasaaraha dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -