Yaa bixiyay amarka laggu dhisaayay dhulka Biyaaso Liibaro,Taabit  mise Yuusuf  Jimcaale ? (Akhriso Dikreeto)

Duqa cusub ee magaaladda Muqdisho Abdirahmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa amarkisii koowaad ku joojiyay dhismaha ka socda dhulka Biyaaso Liibaro ee degmadda Xamar Jajab.

Dhulkaan waxaa darbi ku wareejineysa shirkadda nadaafadda ee ECCO, waxaana maamulka cusub ee gobalka Banaadir uu baahiyay dukumentiyo sheegaya cidda bixisay amarka lagu dhisayo dhulkaan.

Muuqaal la xiriir amarka laggu joojiyay dhismaha dhulka Biyaaso Liibaro oo xalay lagga siidaayay TV-ga Qaranka (SNTV) ayaa laggu sheegay in amarka dhulkaas laggu dhisaayo uu bixiyay duqii hore ee Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Afhayeenka gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo aqrinaayay wareegtadda uu soo saaray gudoomiye Yarsiiow ayaa soo xigtay labbo digreeto oo ex-duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale uu ku fasaxay dhulkaas in shirkadda nadaafadda ee ECCO ay ku shaqeyso kanna dhisto darbi, sidoo kale waxaa uu maamulka cusub soo xigtay warqad uu arintaan ku xoojiyay kuna ogolaaday gudoomiyihii hore ee degmadda Xamar Jajab mudane Axmed Cismaan Dhoore.

Wareegtooyinka uu gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Madaale dhulkaan ku fasaxay iyo midda uu hadda Yariisow ku joojiyay midna lagguma xusin in dhulkaa la iibiyay.

Hoos ka daawo muuqaalka ama aqriso qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -