Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo qaaday talaabo kale oo ka dhan ah xisbigii ka talin jiray Tigray ee TPLF

Dowlada Itoobiya ayaa qaaday talaabo kale oo xidididada loogu siibayo xisbigii ka talin jiray gobolka Tigray ee TPLF.

Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in diiwaanka xisbiyada siyaasadda laga saaray TPLF kaddiba markii howlgal militeri xukunka looga tuuray dhowaan.

Guddiga doorashada ayaa ku eedeeyay TPLF inay ka dambeeyeen qalalaase ka dhacay dalkaas gaar ahaan gobolka Tigray.

Sidoo kale, guddiga wuxuu ka codsaday saddex xisbi oo kale oo ka jira Tigray inay sharraxaad ka bixiyaaan doorashadii ay kala qeyb qaateen TPLF bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay ka dhacday Tigray taas oo ay dowladda ku tilmaantay sharci darro.

Ciidamada Itoobiya ayaa soo xirxiray qaar ka mid ah madaxdii TPLF, halka qaar kalena ay noqdeen wax la dilay iyo kuwo baxsad ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimihii Madaxtooyada oo si rasmi ah u shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Jilaa Caan ah oo sabab u noqday in Duuliye Diyaaradeed shaqadiisa waayo !!(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---