Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada oo tagay Xeebta Liido (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qado sharaf mahadcelin ah u sameeyay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka dib shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Qado sharafta uu Ra’isul Wasaare Rooble u sameeyay Madaxda dowlad goboleedyada iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka dhacday Hotel weyn oo kuyaala xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis.

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayaana qadada kadib daawasho u tagay xeebta Liido oo xiligaas ay joogeen boqolaal dadweyne ah, waxa ayna madaxda gacamaha u haatiyeen shacabka damaashaadka u tagay Xeebta Liido.

Related posts

Dowlad hakisay wada shaqeyntii ay la laheyd IGAD iyo hal arrin oo sabab u noqday

Cabdi Cade

Ciidamada Maraykanka oo xeebaha Soomaaliya ka bilaabay howlgalka Octave Quartz

Caydiid Ali

Sidee Cali Cali Guudlaawe u maareyn doonaa cadaadiska ay ku heyso Villa Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---