Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo War kasoo saartay doorashada Madaxweynaha Somaliland

Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay madaxweynaha la doortay ee maamulka Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu bogaadiyay doorshadii ka dhacday deegaannada Somaliland, oo shacabku ku doorteen in uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa u rajaysay maamulka cusub ee Somaliland uu ku guulaysto muddo xileedkiisa.waxa ayna Itoobiya amaantay qaabka quruxda badan ee doorashada Itoobiya u dhacday.

Dowladda Itoobiya ayaa horey heshiis muran badan dhaliyay ula gashay Madaxweynaha xilka ka degaya ee Muuse Biixi, lamana oga waxa iska beddeli doono heshiiskaasi marka maamulkan cusub talada la wareego.

Related posts

Dad boqolaal kun gaaraya oo ka qaxaya Rafah ka dib duulaanka ay qaaday Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo saaka mar kale weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degaanka Qaayib

Caydiid Ali

C/llaahi Caabbi “4 dhallinyaro Soomaali ah oo isku dilay magaaladeena ayaa hurdada naga soo kicisay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---