Amaanka Magaalada Baydhabo oo la xoojiyey & Wufuud sare oo maanta ku sii jeedda

Qaban-qaabo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka socota magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana wadooyinka iyo xaafadaha qaar la dhigay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Waxaa ka qeybgalay xafladaa caleema saarka Madaxweyne C/casiis Laftagareen oo maanta dhaceysa guddoomiyaha golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay halkaas gaaray, waxaa kale oo ka qeyb galaya wafdi ka socda Aqalka Sare, madaxda dowlad goboleedyada qaarkood iyo mas’uuliyiin kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ay manta halkaas ku sii jeedaan si at uga qeyb galaan munaasabada caleemo saarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -